Beeralley iska kaashaday ka hortagga fatahaadaha webiga Shabeelle

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Webiga Shabeelle/Sawir/Maryan Sheekh Cabdi Photo | Webiga Shabeelle/Sawir/Maryan Sheekh Cabdi

29 July, 2015 JAWHAR

 

Beeralleyda ku nool tuulooyinka Congo, Garaash, Bayaxaw iyo Daanyeerrey oo ku teedsan dhanka koofureed ee webiga Shabeelle, kana tirsan magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa iskaashi ay sameeyeen ku guuleystay xiridda meelaha laga cabsi qabo inuu ka fataho webiga Shabeelle. 

Beeralleydan ayaa iska ururiyay lacag ay ku kireysteen gawaarida baaldoosarrada ah oo  ka caawinaya  xiridda meelaha webigu uu ka fataho marka uu buuxdhaafo. Axmed Tifow Hilowle oo ah guddoomiyaha tuulada Congo ayaa Ergo uga warramay waxa ku kallifay inay iskood isku xilqaamaan.

“Markaan aragnay dhibaatada ay nagu heyso fatahaadaha webiga, ayaan go`aansannay inaan annaga iska xirno oo aan carro-tuur sameyno. Muddo 10 sano ah waxba lagama goosan tuulooyinkan. Mar wlaboo webigu uu fataho illaa 1000 hiktar oo beero ah ayuu saameeyaa.” Ayuu yiri Axmed.

Beeralleydan ayaa rajeynaya in muddo labo sano ah ay ka nabad galaan fatahaadda webiga, sida uu sheegay Axmed Tifow, waxayna haatan  ku hanweynyihiin inay dib u tacbadaan beerahooda.

Muumino Aadan oo ka mid ah beeralleyda tuulada Congo oo aan muddo 5 sano ah tacban beerteeda oo 5hiktar ah ayaa haatan wax cabsi ah ka qabin inay tacbato beerteeda.

“Beerteyda waxaa iiga bixi jiray sisin, digir, galley iyo liin dhanaan. Mar walboo webigu uu fataho dalagyada ayay iga goyn jireen. Laakiin hadda waxaan ku dhiirranayaa inaan dib u tacbado.” Ayay tiri Muumino.

Maryan Sheekh Cabdi/FM
 

Leave comment