Sheekada Jibriil Maxamed oo laba goor u tahriibay Sucuudiga

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Dhalinyaro ka shaqaysanaysa wadankooda Sawir/kaydka/Ergo Photo | Dhalinyaro ka shaqaysanaysa wadankooda Sawir/kaydka/Ergo

25 September, 2014 SHABELLADA HOOSE

 

Dhalinyarta Soomaaliyeed ayaa sanado badan ku jirta tahriib ay u gelayaan wadamadda Khaliijka iyo Waqooyiga Afrika oo ay uga sii talaabaan qaaradda Yurub, iyagoona mara safar aad u halis badan, meesha ugu horaysa ee ay ka bilaabaan socodka ayaana ay ka bilaamataa xuquuq la’aanta tahriibayaasha iyo tacaddiyadda kuwa wax tahriibiya.

Jibriil Maxamed waa 26 jir laba goor u tahriibay Sacuudi Caraybiya, wuxuu hadda joogaa deegaankiisii oo ah degmada Leego gobolka Shabeelaha Hoose, Fowzia Omar ayaan ka waraystay xaaladiisa iyo tahriibkii uu horay u galay.

S. Goormaad Tahriibta?
J. Waxaan tahriibay laba goor

S. Xagee ka tahriibtay xagese aaday?
J. Waxaan ka tahriibay labada goorba Gobolka Shabeellaha Hoose, mar waxay ahayd 2009 dhinaca Jabuuti ayaan maray,  marka kalena waxay ahayd 2011kiina waxaan maray Boosaaso, labada goorba Sucuudiga ayaan rabay inaan galo.

S. Maxaa kugu dhaliyey inaad tahriibto?
J. Walahay dadka been bay sheegaan, waxaa lagu sheegayaa in aad helayso shaqo fiican haddii aad tagto Sucuudiga, labadii goorba waa la i soo qabtay annigoon dhaafin xuduudka.

S. Safarkaagii hore sidee ku bilowday?
J. Leego gaadhi ayaan ka raacay, goboladda Dhexe ayaan sii maray, Hargeysaan sii maray, Lawyacaddo ayaan tegey oo ah xuduudka Jabuuti iyo Somaliya , hadaadan sharci haysan ma gudbi kartid, marka waxaa jira dad xuduudka ku dhaafinaya oo 10 dollar kaa qaadanaya, markay ku wadaanna oo buuraha ku geeyaanna way ka dhumanayaa si aan loo qaban iyaga, waxayna danta kugu khasbaysaa inaad keligaa si dhuumasho ah ku gashid Jabuuti. 

Jabuuti markaan tegey waxaan u tegey kuwo wax tahriibiya, lacagtii doonta ayaan ku heshiinay, caawa ayaa la idin qaadayaa ayey dhaheen, kadib gaari ayey na saareen, caasimada Jabuuti lagama tahriibo, gobolka Obokh ayey na geeyeen.

S. Imisay lacag idinka qaateen?
J. Waxay qofkiiba ka qaateen 150 dollar, ninkii lacagta naga qaatay Jabuuti ayuu ku haray, ninkii na waday markuu Obokh na geeyey ayuu isagiina yiri hadaydaan lacag i siinayn halkaas dhaafi maysaan, lacag kale ayaan qoysaskeenii ka dalbanay oo naloo soo diray, sidaas ayaan doontii ku raacnay oo ku gaaray Yemen.

S. Sidee doonta ku raacdeen marka?
J. Markaan tagnay meeshii doonta laga raacayey, dadka toban toban qof ayaa loo saareyey, waxaa iigu naxdin badnayd hooyo 5 carruur ah wadata ayaa nala socotay, markii doonta la fuulayey dadkii saf ayaa la geliyey, 3 ka mid ah carruurteedii ayey hor mariyeen oo doontii saareen, laba iyo hooyadiina way ka tageen, doontii intay buuxsantay ayay degdeg u dhaqaaqday intay dareemeen cabsi ciidan, waxayna ka tageen hooyadii iyo laba carruur ah, markaan Yemen tagnayn waxay dantii nagu khasabtay inaan carruurtii xambaarno si aan u gaarno goob laami ah oo si aan u gaarno xeradda qaxootiga ee Alkharas.

S. Carruurtii xaggee geyseen?
J. Jabuuti ayaan dib ula xiriirnay, kadibna qoys xeradda ku ahaa qaxooti ayey tiri iigu geeya,iyadii iyo labaddii carruurta ahaydna doon dambe ayey soo raaceen oo ugu yimaadeen. 

S. Xagee marka aaday?
J. Waxaan tagnay Alkharas, habeen ayaan ka baxnay xeradii Alkharas, annagoo la helshiinay mukhalasiin Yemeniyiin oo qofkiiba ka qaadanaya 300 oo dollar si ay noo dhaafiyaan xuduudka sucuudiga, markii aan tagnay bartii ugu horaysay ee xuduudka ayaa askartii Sucuudigu na qabteen hal bil iyo bar ayaanan ku xirnaa xabsi ku yaal Jidda kadibna dib ayaa la iigu soo tarxiilay Muqdisho.

S. Yaa kaa caawiyey lacagta tahriibta aad ku gashay?
J. Makrii hore xogaa yar oo aan haystay baan ku socdaalay, markii dambese waalidkii ayaan u soo qayshaday, haddee walidkii ilmahoodii oo dhiban kama aamusi karaan.

S. Lacag intee dhan ayaa tahrbii kaaga baxday?
J. Saddex kun oo dollar ayaa igu baxday, dhibaatadu waxay tahay waxaa lagu oranayaa dhib ma maraysid taaso runtii ah been qofka lagu gelinayo khatar waxad ku dhex lugaynaysaa dad aadan af garanayn, lacag ma haysatid, runtii waa waxa niyadii aan tahriib u qabay ka dhigay mid aan run ahayn, hadda waxaan ka shaqaystaa ganacsi yar oo aan ku leeyahay Leego, waana guursaday oo wadankaygaan degey.

S. Dhalinta hadda rabta weli inay tahriibaan maxaad oran lahayd?
J. Waxaan u sheegi lahaa in sida tahriibta loogu sheegayaa ay tahay been, boqolaal dhalinyaro ah oo ku waashay baan arkay, naftoodiina kuwo kale oo badan ayaa ku waayey, kuwo xabsiyo ayey ka buuxaan, marka wadankiina meel idin dhaanta ma lahan ee isaga aamina ayaan oran lahaa.

FO/MH

Leave comment