Saddex carruur ah oo ay miino ku dishay Buuhoodle

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
miino aan weli qarxin/radio Ergo Photo | miino aan weli qarxin/radio Ergo

15 April, 2014 BUUHOODLE

 

Saddex carruur ah oo isku qoys ah ayey miino ku dishay miyiga degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.  Carruurta ayaa miinada oo ay ku ciyaarayeen ka helay ardaaga gurigooda.

Qaraxa miinada oo ka dhacday tuulada Qori-Lugud oo 30km u jirta degmada Buuhoodle ayaa sidoo kale dhaawacday labo kale oo carruur ah. Dhaawacyada ayaa loo qaaday degmada Burco ee isla gobolka Togdheer sida uu sheegay weriyaha Ergo ee gobolka.  Xoolo dhowr ah ayaa ku dhaawacmay isla qaraxaas.

Deegaanka Buuhoodle oo ku dhow xadka aynu la wadaagno Itoobiya ayaa la rumeysan yahay in miinooyin lagu aasay intii uu socday dagaalkii toddobaatameeyadii. Dalku wuxuu ka mid yahay meelaha miinooyinka ugu badan ay ku aasan yihiin dunida, waxaana taas lala xariirinayaa dagaalkii Ogaadeeniya iyo dagaalladii sokeeye ee ka dambeeyay oo kooxaha iska soo horjeeday ay miinooyin dhulka ku aaseen.

Si kastaba, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay in Xamar laga nadiifiyay miinooyinkii ku aasnaa oo dhan.

Leave comment