Boqollaal qoys oo ka cararay dagaallada L50 oo ku dhibaataysan deegaannaday u qaxeen

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Sawir kaydka/Khadar/Ergo Photo | Sawir kaydka/Khadar/Ergo

21 November, 2013 SHABELLADA HOOSE

 

Boqollaal qoys ayaa ka cararay dagaallo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey deegaanka L50 oo ka tirsan Shabeellada Hoose, dadkaan ayaa la sheegay inay u carareen deegaanka Dhanaane oo dhinaca xeebta ah, Cabdillaahi Xuseen oo ka mid ah odayaasha deegaanka dagaalku ka dhacay ayaa Ergo u sheegay.

"Dadka dhibaato xoog leh ayaa ku dhacday, guryahoodii waa la bililiqaystay, waxayna u carareen dadku dhulka bacaadka ah ee u dhexeeya Dhanaane iyo Deexda, qaar kalena waxay u qaxeen Jasiira, xaaladdooduna waa liidataa, waqtigaan biyaha iyo hoyga ayaana ugu daran, waxay u dhintaanna maanta waa harraad"

Maryan Iidey Macallin ayaa iyaduna ka mid ah dadka u cararay tuulada Saliibi oo ku dhow L50 "Annaga dhib ayaa na gaartay, annaga iyo ilmaheennii waan kala lunnay, gaajo waa na haysaa, oon waa na hayaa duur cidla ah ayaan wareegaynaa, tiro ahaan ayeyna sheegtay inay boqollaal qoys yihiin"

Maxamed Siciid Macallin oo isaguna ka mid ah odayaasha Dhanaane ayaa sheegay "Meesha dad badan oo dhibaataysan ayaa usoo cararay tuuladu waa yartahay, waxaana u soo qaxay 300 oo qoys, dagaalka culus ee weli ka jira deegaankay degganaayeen ayeyna ka soo carareen, waxaa kaloo jira dad badan oo dhulka baadiyaha iyo tuulooyin kale u cararay iyana, deegaanka dagaalku ka dhacay Dhanaane waxay u jirtaa 20km oo dhinaca xeebta ah, dadku way soo lugeeyeen, qaarna gaari dameerro ayey ku soo gudbeen"

Maxamed ayaa intaas ku daray in carruurta iyo wayeelka ay yihiin hadda kuwa ugu daran, lugihii ayaa galkii ka dhacay, ciddiyahaa baxay lugtii dheerayd, waxaana ku jira qaar dhaawacyo qaba, harraadka ayaana ugu daran.

Waxaa kaloo dhibaatada deegaanka ugu sii darsamay iyadoo ay jaban yihiin laba ceel oo dadku biyaha ka cabi jireen, kuwaasoo aan helin wax dayactir ah.
YK/AD/MH

Leave comment