Dib u dejinta barakacayaal ku sugan Hargeysa

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Ku xigeenka Madaxa OCHA Soomaaliya - Edem Wosornu /Sawir/OCHA Somalia Photo | Ku xigeenka Madaxa OCHA Soomaaliya - Edem Wosornu /Sawir/OCHA Somalia

06 November, 2013 WAQOOYIGALBEED

 

Waxaa toddobaadkan horraantiisii  dhul cabirkiisuu yahay 45 baloodh magaaalada Hargeysana  u jira 11 km dhanka koonfureed ayaa laga hirgalinayaa dhismayaal loo dhisaayo barakacayaal  ku nool kaamka barakacayaasha ee  Maxamed Mooge .

Dhulkan ayaa waxa loogu talo galay 880 qoys, oo qoyskiiba loo dhisi doono   guri   ka kooban hal qol oo jiingad ah,  waxaana intaasi u dheer  adeegyada asaasiga ah sida  caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo adeegyo kale waxaana iska kaashanaya  hawshan dowladda hoose ee  Hargeysa, tan dhexe iyo hay'adaha  UNOCHA, NRC, IOM, UNHCR, UNHABITAT iyo DRC.

Ku xigeenka xafiiska isku dubbaridka gargaarka bani’aadannimo ee Soomaaliya Edem Wosornu ayaa Ergo u sheegtay in 6da bishaan ay bilaabanayso rarista dadka ku nool xeradaan Maxamed Mooge, tiradooduna tahay 880 qoys, ayna quud darraynayaan in toddobaadkasta ay boqol qoys dejiyaan, taasoo sida qorshuhu yahay rarista la soo gebegebayn doono badhtamaha bisha Diseembar 2013.

Mss. Wosornu ayaa intaas ku dartay in hay’adaha gargaarku qaadanayaan doorkooda, hay’ad kastaana doorka ay leedahay wax kaga aaddan ay kaga qabanayso baahiyaha dadkaan iyo sidii goobta la dejinayo loogu samayn lahaa adeegyadii nolosha.
 
Agaasimaha  wasaarada dib udejinta ee Somaliland  Maxamuud  Yoonis  Jibriil  oo isagu dhagax-dhigay  goobtan cusub ee loo yagleelayo  barakacayaashan  ayaa isna ka hadlay doorka xukuumadda ahaan  ka qaadanayaan.

 “Annagu haddii aanu dawladdii nahay oo  uu guddoomiyihii degmada Hargeysana nala joogo, waxaa la siiyey dhul,  hay'adaha caalamkana waxaanu ka codsanaynaa  in iyaguna arrinkaasi  gacan buuxda naga siiyaan, annagu dawlad ahaan way naga go'antahay”.
 
Duqa magaalada Hargeysa  Cabdiraxmaan Caydiid ayaana isna ka hadlay  adeegyada  ay dowladda hoose ee Hargeysa u qabanayso dadkan  barakacayaasha ah. “ Adeegyada loo qabanayo waxaa ka mid ah  in  nalal qorraxda ku shaqeeya loo sameeyo MCH in loo sameeyo Primary School , kuwaasi waa adeegyada guud eeloo samaynaayey” ayuu yidhi duqa oo la hadlay raadiyo Ergo.


OCHA ayaa sheegtay inay  habka guryo siinta ku xulanayaan dadka saboolka ah gaar ahaan haweenka aadka u nugul, siday sheegtay OCHA guud ahaan in 84 kun oo barakacayaal ah ay Somaliland ku nool, halka 45 kun ku sugan yihin Hargeysa, 25 kun Burco

Ibrahim Axmed Xandulle oo ah guddoomiyaha xerada barakacayaasha ee Maxamed Mooge ayaa Ergo u sheegay in qoysaskan oo xaaladdooda  nololeed hoosayso,  ay isuguna jiraan dad abaaro ku carytoobay oo gobollada Somaliland ka yimid iyo kuwo kale oo ka soo firxaday colaadaha koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya muddada ka taagnaa.

Steven Mutisya oo ah madaxa dhinaca guriyeynta ee hay’adda NRC ayaa isna ka xog warramay  waxyaabaha ay hay'adda NRC u qabato  barakacayaal kala duwan  oo  ku nool Hargeysa kana mid yihiin kuwan Maxamed Mooge “Waqtigan waxaanu ka shaqaynaa saddex gobol  oo kal ah Sanaag , Togdheer iyo Hargeysa  NRC  waxay ka duushaa shan arrimood oo ay  ugu horrayso in hoy la helo ayna ka mid yihin waxbarashada , amniga  iyo in dadku helaan wax soo saar. Marka Hargeysa la eego Hargyesa NRC waxay  caawisaa barakacayaal ku kala nool xaafadaha Daami,  State House,  Ayax saddex iyo   Maxamed Mooge”  ayuu yidhi  sarkaalkan  ka tirsan   NRC .

Qoysaskan ayaa qaybta ugu horreysa oo ka kooban boqol qoys waxaa la soo rari doonaa toddobaadkan gudihiisa waxaanu mashruucan wax weyn ka baddali doonaa nolosha barakacayaal badan oo ku tabaalaysnaa xeryaha barakacayaasha Somaliland sida ay sheegeen dawladda iyo hay'adaha kala shaqeeya arimaha bani'aadannimada.

 Nimco/MH

 

Leave comment