Gobolka Bay oo roobabkii dayrta ka ay bilowdeen iyo barakacayaasha oo codsaday bacaha roobka laga dugsado

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Qaar ka mid ah barakacayaasha ADC/Sawir/Muxiyadin/Ergo Photo | Qaar ka mid ah barakacayaasha ADC/Sawir/Muxiyadin/Ergo

17 October, 2013 BAY

 

Roobabkani 24-saac ee lasoo dhaafey ka da,ay magaalada baydhabo ee gobalka Bay iyo deegaannada ku xeeran ayaa wuxuu ahaa mid ay ku diirsadeen dhammaan dadka ku nool magaalada, hase ahaatee roobka ayaa geystay saameyn kale.
 
Barakacyaasha ku dhaqan magaalada,inkastoo saameynta ay u  wada sinnaayeen barakacyaasha oo dhan ayaa waxaa hadda jira kuwo roobka ka dumiyey buushashkii ay ku jireen.

 Waxaan booqdey kaamka lagu magacaabo ADC oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo halkaasi oo ay deggan yihiin boqollaal barakacyaal ah, islamarkaana qaar ka ku jira guryo ka sameysan cooshado,waxaana halkaasi daadka biyaha roobkii xaley ay la tageen ilaa iyo sideed buush, walow dadkii ku jirey buushashkaasi laga badbaadiyey.
 
Batuulo Cabdi waxaay ka mid tahay barakacyaasha ADC oo buushkooda roobka la tagey,waxaan la kulmay xilli ay ku howlaneyd dhisashada buush kale oo ay caawa ku hoyato,iyadoo waliba aysan heysan bacooyinka buushaka kor laga saaro isla markaana ka walwalsan in sidii xaley oo kale ay ku dhacdo.
 
"Xaley anoo saan u fadhiya ayaa waaga uu bariyey,waayo roobabka xaley ayaa biyo la tagay,hada waa u jeedaa buusha ayaa dhisayaa sababtoo ah ma alahan meel aan roobka ka galo,sidoo kale bacooyin ma qabno oo buushaka la saarto halis ayaana galney"

 Nadiifo Ibraahin Isxaaq waa haweeney xaamilo ah oo xaley iyada iyo ilmaheeda oo hurdaya buushka biyaha uga galey islamarkaana dadka kaamka ay biyaha kasoo dhax qaadeen markii ay u qaylo dhaamisey,waatan iyadoo oo xaalkeeda wali aan wanaagsaneyn oo aan la sheekeystey.
 
"Aniga iyo carruurteyda biyo ayaa na qaadey,laakiin aniga ayaa qayliyey waa la ii iyimid aniga oo biyaha sanka nagaga buuxsamey aniga iyo ilmaheyga,hadda waa ii jeeddaa xaamilo ayaa ahay waa xanuunsanayay,waxaana ku jiraa buush kale oo aan la heyn"

 Ibraahin Xasan waa horjoogaha kaamka ADC oo xaley buushaska qaar ee dadka iyaga oo ay ku jiraan biyaha roobka watey qaadey,waxaa uu ka sheekeynayaa sida ay wax u dhaceen oo roobka u saameeyay,waxaana sidoo kale sheegay in haddiii barakacyaasha xeran ay halis ku jiraan haddii bacooyinka roobka loga gabado aan helin.

Ibraahim ayaa sheegay inay hay’ado gargaar oo tirakoobaya dhowr goor u yimaadeen welise aysan dadkaani helin wax gargaar ah, maamulka laftigiisu ma awoodin inay arkaan dhibaatadda ka jirta xeryaha, sidoo kale dhibaatooyin ammaan xumo ayaa jirta xilliga habeenkii, arrimahaan oo iyana qayb ka ah dhibaatooyinka haysta barkaacayaasha xerada ADC.
 
Si kastaba ha ahaatee barakacayaasha ku dhaqan magaalada Baydhabo ayaa xilliyadan oo kale oo wakhtiga deyrta lagu jiro ayaa waxaa soo wajahdo dhibaatooyinka dhanka hoy,la,aanta ah, waxayna codsadeen bacaha roobka laga dugsado.
 
Muxiyadin/MH

Leave comment