Colaad Bilow Buulle, hooyadiis oo 80 jir ah iyo wiil uu dhalay oo afar jir ah waxay muddo bil ah ku hoydaan meel bannaan oo ka mid ah xerada Kabaasa 2 ee degmada Doolow ee gobolka Gedo. Waxay ka mid yihiin qoysas ka soo qaxay colaadda qeybo Itoobiya ka mid ah ku dhex mareysa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada. Saddexdooda oo gacmaha uga jabay weerar ay la soo kulmeen weli ma aysan helin daryeel caafimaad oo fiican marka laga reebo kab ay u sameeyeen dadka xerada.

Khadka telefoonka wuxuu noogu sheegay in aysan haysan hoy ay ka galaan kuleylka daran ee qorraxda, boorka iyo dhaxanta xilliyada habeenkii. Cuntada ayuu xusay in dadka deriska la ah marka ay xaaladdooda arkaan ay si Soomaalinnimo ah ugu soo ururiyaan. Waxay xaaladdan la wadaagaan qoysas kale oo ay ka soo wada qaxeen deegaanno ku yaalla miyiga Nageyle oo ah magaalo hoostagta gobolka Oromiya.

Colaad wuxuu ka walwalsan yahay xaaladda xaaskiisa iyo saddex carruur ah oo aanu nolol iyo geeri ku ogeyn. Waxaa la waayay labo bilood ka hor mar isaga oo ka maqan la weeraray miyigii ay deggenaayeen. Dib ayuu ka helay hooyadiis iyo wiilka hadda la socda oo uu ula soo qaxay dhinaca Negeyle, halkaas oo mar kale lagu weeraray iyaga iyo intii la socotay, dhaawacyadana ay ka soo gaareen.

Muddo bil ah ayuu xaqiijiyay inay Nageyle ku go’doonsanaayeen ka hor intii uusan Doolow keenin gaari ay dad Soomaali ah wateen oo soo caawiyay.

Xeradan oo ay horay u buux-dhaafiyeen kumannaan qoys oo soo barakacay ayay muddo bil ah ku biireen 123 qoys oo hor leh oo ka yimid deegaannada ay colaadda ka jirto ee dalka Itoobiya, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Cali Ibraahim Axmed oo ah guddoomiyaha xerada Kabaasa 2. Dadkan oo dhamaantood aan wadan wax agab ah waxay daadsan yihiin bannaannada. Wuxuu tilmaamay in aanay jirin cid ilaa iyo hadda u gurmatay marka laga reebo dadka soo barakacay oo wax ka siiya cunto gargaar ah oo hay’ado samafal ay siiyaan kuwii horay u deggenaa oo u diiwaangashan.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in dadkan xerada imaanaya laga soo dhacay hantidii ay lahaayeen, noloshoodana ay ku tiirsaneyd oo isugu jirtay beero iyo xoolo, qaarkoodna la guryihii laga soo gubay.

Qoyska Colaad waxay noloshooda ku tiirsaneyd beero ay falan jireen oo dalagyo kala duwan ay ugu abuurnaayeen. Waxaa ka mid ahayd galley, masaggo iyo digir ay goosan lahaayeen bishan.

Soomaalida iyo Oromada oo xudduud wadaag ah ayuu bilo ka hor ka dhex qarxay dagaal la sheegay inuu ku saleysan yahay muran dhul. Xeryo ay dad soo barakacay iyo qaxooti deggan yihiin ayaa ku yaalla Doolowda Gedo iyo Doolowda dhinaca Itoobiya, laakiin dadka qaar oo aan waydiinnay sababta aysan dhinaca Itoobiya ugu hakan ayaa noo sheegay in aanay xeryaha dhinacaas ka socon diiwaangelin dadka cusub ah.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here